Free Web Hosting Provider - Web Hosting - E-commerce - High Speed Internet - Free Web Page
Search the Web

Ku Soo Dhawaad Websetka

Iftin Online sawirada warki hore Maxaa Cusub My Files sports  cayaaraha

Iftin Online

Madaxweyne Sheikh Shariif oo dadaal ugu jira sidii dib loogu soo celin lahaa Malaayiin doolar oo ay leedahay Somalia oo ku xayiran Bankiyada Swiss-ka.

Halkaan ka akhri

Sida uu qoray wargeyska lagu magacaabo (Asharq Al-Awsat) ee kuhadla afka carabiga Maalinti Jimcihii aheyd ayaa sheegay in nuqula kamid ah dokumiintiya sir ah ay ka heleen xafiiska madaxweynaha dowlada KMG Soomaaliya, kuwaas oo sheegaya in madxweyne Sheikh Shariif Sh. Axmed uu dadaal ugu jiro sidii dib loogu see celin lahaa lacagihii dowladii Soomaaliya ee yaalay Bankiyada Swizerland tan iyo markii ay dhacday dowladii dhexe ee Soomaaliya 1991.

Dokumiintiyadan oo uu ku saxiixan yahay madaxweyne Sheikh Shariif ayaa bishii December ee sanadkii hore 2009 uu magacaabay Cali Cabdi Calmalow oo kamid ahaa masuuliyiintii bankigii dhexe ee Soomaaliya in uu noqdo masuulka dhanka lacakta iyo lataliyaha madxweynaha sidii dib loogu soo celin lahaa boqolaal Milyan doolar oo la’aaminsan yahay masuuliyiin hore oo ka tirsanaa xukuumadihii kala duwanaa ee soo maraya Soomaaliya 20-kii sano ee lasoo dhaafay kaga tageen bankiyada ku yaala dibadaha.

Warbixitan ayaa waxaa ay sheegeysaa in raadinta lacagtan ay iska kaashan doonaan xafiiska lagu magacaabo (Shleyman Rogers) oo qaalbilsan adeegyada dhanka qaanuunka oo kuyaala dalka Mareekanka iyo dowlada KMG ah, iyaadoo sida heshiiska ku qoran uu xafiiskan dadaal ugali doono sidii dib loogu soo celin lahaa Hantida Qaran ee dalka Soomaaliya ka yaala bankiyada Swizerland.

Sidoo kale xafiiska ayaa heli doona 3.5% waxyaabaha u kuguuleysto in dib loogu soo celiyo gacanta dowlada KMG Soomaaliya.

Waxaana madaxweyne Sheikh Shariif uu u magaacabay Cali Cabdi Camalow in uu noqdo isku xeraha xafiiska Mareekanka iyo dowlada KMG Soomaaliya, waxaana sidoo kale warbixinta lagu xusay in madaxweynaha Mareykanka Barack Obama uu wax ka ogyahay heshiiska laba dhinac ay gaareen.

Waa markii ugu horeysay oo ay dowlada KMG Soomaaliya dadaal aan shaaca laga qaadin u gasho sidii dib loogu soo celin lahaa hantidii iyo lacagihii ay laheyd dowladii Soomaaliya ee lagu iloobay dibadaha.

Iydoo mar sii horeysayna dowlada Malaysia ay shaaca ka qaaday in xayiraad dhanka lacagaha ah ay kusoo roktay shaqsiyaad iyo masuuliyiin ka tirsan dowlada KMG, iyadoona sheegtay in ay ka xayirtay lacaga gaaraya 14 Milyan oo doolar.

iftin.9f.com

Warya TV 
Radio Somaliland
TV Horseed
Somalistar TV

Radio Garawe
Radio Ogaal

Radio Gedo
Radio Laascaanood
Radio Free Somali
Somali Radio (Toronto)

RochesterSomali TV

Radio Hormuud

Radio Shabelle 

SBS Radio Aus
Somali Radio Sweden

Radio Copenhagen

Radio Warsan
Radio Benadir
Somali swiss radio
Radio Xoriyo
Radio & TV Djibouti
Qaran Radio
Radio Dalmar
Sagal S. Radio
KFAI Radio
Focus On Afirca



war dag dag ah

                               iftin.9f.com warar xaqiiq ah  warar xaqiiq ah
iftin.9f.com

Kooxda Al-Shabaab oo xaafado ka tirsan magaalada Muqdisho ka mamnuucday Hilibka Xoolaha.

Halkaan ka akhri

Waxaa Saakay ay Maleeshiyada Al-Shabaab xanibaad ku soo rogeen dhamaan Hilibkii soo gelayay suuqa weyne Bakaaraha iyo qeybo kale oo ka mid ah suuqyada  ay gacanta ku hayaan.

Sidoo kale War aan ka helnay Wakiilka SomaliSwiss ee Gobolka Banaadir oo goobahaas laga mamnuucay in hilib laga Cuno ayaa sheegaya in kooxda Al-Shabaab ay ganacsatada Hilibka ee Suuqahaas ay shalay ku amreen in aysan Hilib keeni Karin suuqyada, ayagoo u sheegay in Hilibku uusan xalaal ahayn oo ay gowraceen dad ay ku tilmaameen kuwo aan diin ahaan wanaagsanayn.

Dhanka kale Maleeshiyada Al-Shabaab ayaa waxay ganacsatada Hilibka u sheegeen in xoolaha la qalayo sida Geela ay u keenaan Shabaab si ay ugu gowracaan, taas oo ah tan kaliya ee xalaal looga dhigi karo Hilibka ganacsatadu ku iibiyaan suuqyada magaalada sida Shabaabku sheegeen.

Arrintaan ayaa caqabad ku noqotay dadka u iib keena Xoolaha magaalada Muqdisho iyo kuwa ka Ganacsada Hilibka Xoolaha ee Keena Suuqyada Muqdisho, ayadoo saakay aan wax Hilib ah la keenin Suuqa weyn ee Bakaaraha.

Suuqyada kale ee Suuqa Hilibka lagu iibiyo ee aysan ku sugnayn Al-Shabaab ayaa saakay qiimaha Hilibku aad uga kacay qimo ahaan, taas oo loo aaneynayo xayiraadda ay Al-Shabaab saareen Ganacsiga Hilibka ee Suuqyada ay iyagu ka arimiyaan, waxayna arrintaas si wayn u saameysa Goobaha Cuntada Bisil lagu Iibiyo ee Suuqyada Bakaaraha iyo kuwa kale.

Wararka ayaa sheegaya in Xoogaga ka tirsan Al-Shabaab ayaa saaka tagay goob ku taal degmada Dayniile oo lagu qalo subax walba ilaa 400-neef oo xoolo isugu jira Geela, Lo’da iyo Ariga ayaa la sheegay in ay joojiyeen gowraca xoolahaas.

Hase yeeshee waxaa dadka badan  ay is weydiinayaan is hor taaga Al-shabaab ay ku sameeyeen xoolihii hilibka, waxaana arrintan loo sababeeynayaa in ay la xiriirto arrimo dhaqaale oo ay ku doonayaan Shabaabku.

Si kasta ha u dhacdee arrintu waxaan weli la ogayn sababta rasmiga ah ee ka dambeysa in la joojiyo xoolahii la qala jiray, waxaana ganacsatada hilibka ka ganacsata ay sheegeen in ay saameyn ku yeesheen is hor taaga lagu sameeyay shaqadii ay nolol maalmeedkooa ka heli jireen.
 
 
Waxaa inoo haray qabuurihii Sayidka & a gurey
 
 

DAAWO SAWIRADA KALE

Halkaan ka akhri

  Photo: AP
Cunsuri caan ahaa oo si xun loogu dilay South Afrika
London, UK (iftin.9f.com ) 04-April-2010

Eugene Terr'eblanche oo ahaa nin cunsuri ah islamarkaana aad caan uga ahaa dalka Koonfur Afrika iyo caalamka ayaa lagu dilay beertiisa oo ku taalay meel 10 kilo mitir u jirta magaalada Ventersdorp ee dalkaasi Koonfur Afrika.

Ninkan oo ahaa 69-jir ayay wararku sheegayaan in ay weerareen labo dhalinyaro oo madow ah kuwaasoo u shaqeynayay isaga, waxaana warar horu dhac ah ay sheegayaan in la isku qabtay mushaar uu bixin waayay ninka la dilay.

Booliska ayaa iminka gacanta ku haya 21-jir iyo 15-jir lagu tuhmayo dilkan, baaritaan ayaana ku socda.

Terr'eblanche ayaa hogaamin jiray tobaneeyo sano xisbi cunsuri ah oo hubeysan oo lagu magacaabay Afrikaner Weerstandsbeweging (AWB), kaasoo sida la sheegay u doodi jiray xuquuqda dadka cadaanka ah ee laga tirada badan yahay kuna nool dalka Koonfur Afrika.

Xisbigiisa ayaa lagu xusuustaa in ay khal-khal galiyeen doorashadii ugu horeysay ee si dimuquradiyad ah uga dhacdo dalka Koonfur Afrika sanadkii 1994, waxaana ay qaraxyo ka sameeyeen dhowr meelood si ay u fashilaan doorashadii ugu dambeyn uu ku guuleystay Nelson Mandela.

Sanooyinkii ka dambeeyay 1994 ayaa waxaa firxad ku dhacay ururka Terr'eblanche, waxaana ay u qeybsameen kuwo la dilo, kuwo xabsi loo taxaabo, kuwo ka tanaasulay   2010-04-05

Madaxweynaha Soomaaliya Sheikh Shariif Sheikh Ahmed


 

     
Maamulka Xarakada Al Shabaab ee gobolka Sh/dhexe iyo Culumaa’udiinka Ahlu Sunna oo guulo ka kala sheegtay dagaalo xalay ka dhacay degmada Raage Ceele.
P
Posted: 4/4/2010 8:21:00 PM
osted: 4/4/2010 8:21:00 PM
iftin: RAAGE CEELE. Maamulka Xarakada Mujaahidiinta Al Shabaab ee gobolka Sh/dhexe iyo Culumaa’udiinka Ahlu Sunna Waljamaaca ayaa labaduba waxa ay guulo ka kala sheegteen dagaalo xalay ka dhacay degmada Raage Ceele ee gobolka Sh/dhexe. Kadib markii gelinkii dambe ee xalay dagaal culus oo sababay qasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac islamarkaana soo gaaray dad rayid ah iyo dhinacyadii dagaalamay uu ku dhaxmaray degmada Raage Ceel ee gobolka Sh/dhexe Ciidamo katirsan Xarakada Al Shabaab iyo kuwa taabacsan Culumaa’udiinka Ahlu Sunna  ayaa waxaa dagaalkaasi guulo ka sheegtay Maamulka Xarakada Mujaahidinta Al Shabaab ee gobolka Sh/dhexe iyo Culumaa’udiinka Ahlu Sunna Waljamaaca. Sheekh Cumar Muuse Xuseen oo sheegtay in uu yahay Afhayeenka howlgalada Culumaa’udiinka Ahlu Sunna Waljamaaca ee gobolka Sh/dhexe ayaa waxa uu sheegay in xalay Ciidamo taabacsan Culumaa’udiinka Ahlu Sunna ay dagaalo culus ku qaadeen degmada Raage Ceele ee gobolka Sh/dhexe halkaasi oo ay ku sugnaayeen sida uu sheegay Ciidamo katirsan Xarakada Mujaahidiinta Al Shabaab isagoo sheegay in ay la wareegeen gacan ku haynta degmada Raage Ceele ee gobolka Sh/dhexe islamarkaana ay qasaaro gaarsiiyeen dhinacyadii la dagaalamay. Sidoo kale Sheekh Bukhaari Axmed Aadan oo ah Waaliga Wilaayada gobolka Sh/dhexe ee Xarakada Mujaahidiinta Al Shabaab ayaa isna sheegay in xalay weeraro lagu soo qaaday Ciidamo katirsan Xarakada Mujaahidiinta Al Shabaab oo ku sugnaa degmada Raage Ceele islamarkaana ay iska difaaceen kooxihii weerarka soo qaaday ayna qasaaro ay gaarsiiyeen. Inkastoo dhinacyadii xalay ku dagaalamay degmada Raage Ceele ee gobolka Sh/dhexe ay ku guulo ka kala sheegteen dagaalkii ka dhacay degmadaasi ayaa hadana wararka iminka halkaasi naga soo gaaraya waxa ay ku waramayaan in xaaladu ay Caawa tahay mid kacsan iyadoona meelaha qaar laga dareemayo abaabulo Ciidan. Aqriso oo la soco iftin.9f.com Saacad Walba si aad u hesho wararkii ugu dambeeyay ee Soomaaliya.   Wabseydka.
iftin news

 

. 
Kooxaha burcad badeeda Soomaalida oo sii daayay labo Doomood oo laga leeyahay dalka Hindiya islamarkaana dhawaan ay ku afduubteen xeebaha Soomaaliya.
Posted: 4/4/2010 5:58:00 PM
 iftin.9f.com: NEW DALHI. Kooxaha burcad badeeda Soomaalida ayaa waxa ay sii daayeen labo Doomood oo laga leeyahay dalka Hindiya kuwaasi oo dhawaan ay ku afduubteen xeebaha dalka Soomaaliya. Wararka ka imaanaya dalka Hindiya ayaa sheegaya in Kooxaha burcad badeedda Soomaalida ay sii daayeen laba Doonyood oo laga leeyahay dalka Hindiya kuwaasi oo ay horay burcad badeedku ugu afduubteen xeebaha dalka Soomaaliya. Sarkaal sare oo dhinaca badda u qaabilsan dowladda Hindiya ayaa u sheegay Wakaaladda wararka ee Faransiiska ee AFP in burcad badeeda Soomaalida ay si awood ah ay doonyahaasi ugu afduubteen meel ku dhow xeebaha dalka Soomaaliya gaar ahaan nawaaxiga xeebta magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubadda hoose isagoo intaa ku daray in doonyuhu ay saarnaayeen ilaa 26-shaqaale ah. “Hal Markab oo ay saarnaayeen 15 shaqaale shalay ayaa la sii daayay, midka kale oo isna ay saarnaayeen 11 shaqaale ahna saakay ayaa la sii daayay,” sidaasi waxaa yiri sarkaal Hindi ah oo u waramayay AFP. Ku dhowaad 80 shaqaale oo u dhashay dalka Hindiya ayaa loo malaynayaa in ay gacanta ugu jiraan kooxaha burcad badeeda Soomaalida ilaa iyo haddana wax war oo ku saabsan in burcad badeedu ay heleen lacago madaxfurasho ah iyo in kale ayaan la ogeyn.
iftin.9f.com ee Soomaaliya.

         

i
 
Dowlada KMG ah oo sheegtay inay ku guulaysatay xalinta  khilaafkii u dhexeeyay maamulada Puntland iyo Gal-Mudug

Mogadishu Sunday 4 April 2010 SMC 

General  Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid Wasiirka Macdanta iyo Biyaha Dowlada KMG ah ee Soomaaliya ayaa maanta si buuxda u cadeeyay in Dowladda KMG ah ay ku guulaysatay inay soo afjarto  khilaafkii labadaasi Maamul Puntland iyo Gal-Mudug.

Wasiirka ayaa sidoo kale  sheegay inuu dadaal dheeraad ah u galay sidii loo  heshiisiin lahaa  Maamulada Puntland iyo Gal Mudug oo horay dagaal u dhexmaray kaasi oo haatan la soo afjaray, islamarkaana khilaafaadkaasi laga gaaray Heshiis Buuxa.

Cabdi Qeybdiid waxa uu sheegay in Dowladda KMG ah ay in muddo ah ku guda jirtay hagaajinta xiriirka labadaasi maamul oo dagaal qaraar ku galay Magaalada Gaal-Kacyo halkaasi oo dad badan ay ku dhinteen.

Macdanta iyo Biyaha Dowlada KMG ah ee Soomaaliya  ayaa shaaca ka qaaday  in dhawaan Xaflad guud oo loo samaynaayo heshiiskaasi ay ka dhici doonto Magaalada Gaal-Kacyo taasi oo lagu soo bandhigayo sixiixa ay kala gaareen Labada Maamul ee Puntland iyo Gal-Mudug.

Dowladda KMG ah ayaa heshiiskaasi ku bixisay Juhdi fara badan, iyadoo Macdanta iyo Biyaha Dowlada KMG ah ee Soomaaliya iyo wafdi la socda ay muddo dheer ku sugan yihiin deegaanadaasi si khilaafkaasi xal looga gaaro, iyadoo haatan ay ku guulaysteen dhamaynta Colaadasi.



    SOS-barnebyer gir foreldreløse og forsømte barn en familie og et trygt hjem i en SOS-barneby. Vi forebygger foreldreløshet ved å styrke utsatte familier og bidra til lokalsamfunnets utvikling.--> • Clean Windows XP • Fix Windows XP in Minutes! • Windows XP Clean - Free Download www.PcErrorCleaner.com Mexican Caribbean Package Tulum,Cozumel, Cancun, Chichen-Itza History, Religion, Music, and food www.AlaskaLatinTours.com/maya

     
     




    iftin.9f.com - Isha wararka xaqiiqda



    La Xiriir
      SOS-barnebyer gir foreldreløse og forsømte barn en familie og et trygt hjem i en SOS-barneby. Vi forebygger foreldreløshet ved å styrke utsatte familier og bidra til lokalsamfunnets utvikling.--> • Clean Windows XP • Fix Windows XP in Minutes! • Windows XP Clean - Free Download www.PcErrorCleaner.com Mexican Caribbean Package Tulum,Cozumel, Cancun, Chichen-Itza History, Religion, Music, and food www.AlaskaLatinTours.com/maya